Daawo Sawirro: Magaalada Baydhabo oo Maanta uu ka Furmay hir lagu tayeynayo Dowladaha Hoose ee Maamul Goboleedyada dalka

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ka furmay shir lagu tayeynayo Dowladaha Hoose ee maamul goboleedyada dalka,kaasoo ay qaban qaabadiisu lahayd wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulunka oo ahaa mid wada tashi ah, laguna dejinayay qorsha Howleedka dib u heshisiinta iyo sameynta Dawladaha Hoose,ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirrada arriamah gudaha ee maamullada dalka,qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka  Bartamagaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo wakiillo Ka socday hay’adda qaramada midoobay u qaabbilsan horumarinta ee UNDP.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowlad gobaleedka K/Galbeed C/Raxamaan Ibraahim Aadan,oo wasaaraddiisu ay marti gelisay shirka, ayaa ugu horreen halkaasi ka jeediyay ereyo lagu soo dhawaynayay ergada ka qayb galaysa kulanka, isagoo sheegay inay ka wasaarad ahaan aad ugu faraxsan yihiin tallaabadan ay hormuudka ka tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka K/Galbeed Soomaaliya C/Qaadi Shariif Sheekhunaa Maye oo shirka furay ayaa sheegay inuu ahmiyad ballaaran u leeyahay kulankan dhammaan ka qayb galayaasha,isagoo wakiillada maamullada dalkana u rajeeyay inay qibradda ay halkan ka faa’iideen kula laaban doonaan goobihii ay ka yimmaaddeen.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaradda Arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim, Ayaa gabagabadii tilmaamay in ujeeddada shirkani ay tahay sidii loo mideyn lahaa shaqa maalmeedka dowladaha hoose ee dalka,taasoo waaya aragnimo ku noqon karta xubnaha wakiillada ka ah maamullada dalka.

Shirkan oo noqonaya kii Shanaad ee ugu dambeeyay ,ayaa waxaa looga hadlayay dejinta qorshe lagu tayeynayo dawladaha hoose islamarkaana lagu mideynayo maamulada degmooyinka,waxaana horay loogu qabtay shirar caynkan oo kale ah magaalooyinka Kismaayo iyo Cadaado.

bay1-300x200 Bay2-300x200 bay3-300x200 bay4-300x200 bay5-300x200 bay6-300x200