Ku simaha Madaxweynaha dowladda Jubaland ahna Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dowlada Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa kulan quraac ah u sameeyey gudiga Ciyaaraha dowlada Jubaland iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Jubaland iyadoona ay kulankaan ka soo qeyb galeen labada gole ee dowlada Jubaland,
Ujeedada kulanka ayaa aheyd talo soo jeedin katimid Madaxweynaha dowlada Jubaland iyo ku xigeenadiisa taasoo aheyd sida loogu diyaar garoobi karo qabashada ciyaaraha dowlad Goboledyada dalka iyo sidii loo dar dar galin lahaa ciyaaraha Fanka iyo arimo kale,
Ku simaha madaxweynaha dowlada Jubaland ahna Madaxweyne ku xigenka labaad ee dowlada Jubaland ayaa sheegay in dowlada Jubaland ay diyaar u tahay qabashada tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka isagoona sheegay in la dhisi doono dhamaan garoomada ku yaalo deegaanada Jubaland,
Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada Jubaland Maxamed Maxamuud Yuusuf Aw- Libaax oo kulanka quraacda ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dowlada Jubaland ay xooga saarto ciyaaraha oo ah is Dexgalka bulshada,
Ku simaha Madaxweynaha dowlada Jubaland ahna Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dowlada Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo kulanka quraacda ah soo xiray ayaa sheegay in arimaha ciyaaraha iyo fanka la dar dargaliyo isagoona sheegay in la xareen doono ciyaartoyda waxaana Madaxweyne ku xigeenka labaad uu gudi usaaray dar dar galinta ciyaaraha Jubaland.