Daawo Sawirro: Meydadka Labo Carruur ah oo laga helay Agagaarka Xeebta Curubo ee Muqdisho

Galabta Gabal dhicii Xeebta Curub ee Magaalda Muqdisho waxaa laga helay Meydka Laba Caruur ah oo Badda ay soo tuftay.

Caruurta Meydadkoda laga helay Badda ayaa da’dooda waxaa lagu qiyaasay 5 Sano jir Iyadoona aan la ogeyn Sababta Caruurtaan ay badda u qaaday iyo Halka ay ka soo qaaday.

Caruurta ayaa la sheegay in ay wada dhasheen waxaana Maamulka dagmada Shangaani ay sheegen in Meydadka labada Caruurta ah ay ku wareejiyeen Waalidkii dhalay .

Reerka dhalay Caruurta walaalaha ah ee Badda ku geeriyoday ayaa la sheegay in ay Daganyihiin Dagmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada 

4-1 5