Wararka aynu ka heleyno Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayan in Goordhaw Qarax Xoogan uu ka dhacay Maqaaxi ku taala Dagmada Boondheere .
Maqaaxida uu qaraxa ka dhacay ayaa kagu Magacaabay Sky Blue waxayna u dhawdahay Taalada Xaawo Taako iyo Xarunta Tiyaatarka oo u dhaw Madaxtooyada Villa Soomaliya.
Maqaaxada waxaa ku sugnaay Dad Shacab ah Xiliga uu qaraxa dhacaayay waxaana Qaraxa u ahaa Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay Inkastoo aan La ogeyn in gaariga uu qof waday iyo In Maqaaxida Horteeda la dhigay .
Inta la xaqiijiyey labo ruux ayaa ku dhimatay qaraxa lix kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, iyada oo uu jiro qasaaro hantiyadeed oo ka dhashay qaraxaasi
Halkaan Hoose ka Daawo Sawirro Hordhac ah.