Daawo Sawirro: Talyaaniga oo Qalab Caafimaad ku wareejiyay Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka Dagmada Kaaraan

????????????????????????????????????

Saraakiil ka socota hawl-galka midowga Yurub ee Soomaaliya, kana soo jeedda Dalka Talyaaniga , ayaa maanta deeq Dawo ah ku wareejisay xarunta Hooyada iyo Dhallaanka Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Cumar Mayre Macoow, ayaa ugu horreyn kaga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga iyo Saraakiishooda ku sugan Soomaaliya, qalabka ay soo gaarsiiyeen MCH-ka Kaaraan, isagoo ballan qaaday iney gaarsiin doonaan cidda loogu tala galay.

Korneel Bernardo, oo kamid ah saraakiisha Talyaaniga, ee qeybta ka ah howlgalka midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa sheegay inuu jeedkoodu yahay, in ay gacan ka geystaan kor u qaadida caafimaadka hooyada iyo Dhallaanka Soomaaliyeed.

Qalabkan caafimaad ee maanta dowlada Talyaaniga ugu deeqay xarunta hooyada iyo dhalaanka Degmada Kaaraan, ayaa waxa uu qayb ka yahay taakulaynta ay had iyo goor la garab taagan yihiin midowga Yurub, gaar ahaan Talyaaniga bulshada Soomaaliyeed.

 

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????