Daawo Sawirro: Wafdi ka Socda Qaramada Midoobay oo Magaalada Cadaado kulan kula qaatay Masuuliyiinta Galmudug

Wafdigan ka socday Qaramada midoobay oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan wasaarada Qorsheynta Soomaaliya ayaa barqanimadii maanta soo gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdigan oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha Cadaado, waxa ay kulamo kula qaateen Madaxtooyada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi oo ay wehliyaan golaha wasiirada galmudug iyo Qeyb ka mid ah Bulshada rayidka Galmudug.

Wafdigan ayaa ka koobnaa saddex qeybood oo kala ah UNDP, ACU(Aid Coordination Unit), iyo Wasaarada Qoesheynta DFS, Waxa ay aheyd ujeedada booqashada in ay maamulka iyo Bulshada kala tashadaan Qorshaha hormarinta qaran (National Development Plan ) ee saddexda sano ee soo socota, iyagoona sheegay in Mashruucii New Deal uu ku eg yahay bishan August 2016.

UNDP ayaa saddexda todobaad ee soo socota ka caawin doontaGalmudug sidii u diyaarsan laheyd Qorshe hormarineed oo saddex sano ah, kaas oo la jaanqaadaya qorshada hormarinta Qaran, wafdigan ayaa goordhow dib ugu laabtay.

 

 

13874940_10205628131261399_2063751821_n-768x432-150x150

13884422_10205628131701410_489727045_n-768x432-150x150

SAM_5726-768x576-150x150

SAM_5727-768x576-150x150

SAM_5734-768x576-150x150

SAM-768x476-150x150