Daawo Sawirro: Wafdi Musharrixiin ah oo maanta Gaaray Magaalada Beledweyne

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Maanta waxaa Gaaray Wafdi Musharixiin iyo Xildhibaano Isugu jira Iyadoona Magaalada si diiran loogu soo Dhaweeyay.

Musharixiinta Beledweyne tagay iyo xildhibaanada waxaa ka mid ah C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, , C/raxmaan Baadiyow, Maxmuud Axmed Nuur Tarsan iyo Xildhibaan C/llaahi Goodax Bare.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaa si diiran loogu soo Dhaweeyay Musharixiintaan Maanta Beledweyne gaaray.

Wararka ay hada heleyso Kismaayo24 ayaa waxa ay sheegayan in Wafdigaan Musharixiinta ah ay Hotel Magaalada ku yaalo Kulan Xasaasi ah kula leeyihiin Ugaas Xasan Ugaas Khaliif inkasto aan la ogeyn kulankaan iyo waxa ujeedkiisa uu yahay.

Sida la wada Ogsoonyahay Ragaan Musharixiinta ah waxa ay inbadan is haayan oo Loolan adag ay kula jiraan Madaxweyne Xasan shiikh oo Waqtigiisa uu dhamaaday Waxaana Socdaalkooda Beledweyne uu yeelan karaa Macno kala duwan.

 

baald-e1474031540768 balad-e1474031552584 bald-e1474031564519 blad-e1474031527686