Daawo Sawirro: Wasaaradda Kalluumaysiga oo daahfurtay mashruuca aad Muhiim u ah

Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga dowladda federaalka Soomaliya Maxamed Cumar Ceymooy, ayaa maanta daah-furay mashruuca kobcinta ganacsiga shaqaaleynta iyo hab nololeedka qaybtiisa maalgelinta Kalluumaysiga.

Mashruucan oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan GEEL, ayaa waxaa daah-furkiisa kasoo qayb galay wasiirka Kallumaysiga Galmudug, wakiillo ka socday maamul goboledyada dalka ka jira,xubno ka socday Hiiran iyoo Shabellaha dhexee ,ganacsato Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan hay’adda USAID.

Madaxa mashruuca  madasha kobcinta ganacsiga shaqaaleynta iyo hab nololeedka  Maxamed Cabdi Nuur, ayaa sheegay inuu mashruucani oo ay ku bixi doonto 75 Milyan oo doollar uu socon doono muddo Shan cisho ah, kaasoo ay hirgelintiisu kala kaashan doonaan hay’adda Maraykanka u qaabbilsan samafalka ee USAID.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Kallumaysiga iyo kheyraadka badda Saalax Cabdi  Axmed, ayaa u mahadceliyay hey’adda fulinaysa mashruucan, wuxuuna intaa raaciyay inay Wasaaraddiisu ku dedaashay sidii ay  ku heli lahayd sharciga kallumaysiga dalka.

“Baarlamanka ayaannu u geynay sharciga Kalluumaysiga,wuuna ansixiyay, laakiin qodobbada in lagu daro ayaa dhimman,Soomaaliya waxay leedahay Xeebta labaad ee ugu dheer,waana inaan ka faa’iideysannaa qayraadka dalkeenna,ayuu yiri Agaasimuhu.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa lagu qaadaa dhigay ahmiyadda uu leeyahay Kalluumaysiga iyo sidii ay Soomaaliya u wajihi lahayd hir-gelinta mashruucan maaddaama aynu leennahay xeebta labaad ee ugu dheer qaaraddan Afrika.

Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya Maxamed Cumar Ceymooy, ayaa mashruucan ku tilmaamay mid faa’iido u ah kalluumaysatada Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay inay shaqo ka helayaan 5,000 oo dhallinyaro ah, taana ay qeyb ka qaadanayso in da’yartu aysan ku biirin argagixisada ama ay tahriibaan.

Mashruucan kobcinta ganacsiga  shaqaaleynta iyo hab nololeedka, ayaa ah mid ay kaa faa,idaysan doonan  kallumaystada beeraleyda iyo ganacsatada Soomaaliyeed,kaasoo wax weyn ka tari doono xakamaynta baahiyaha asaasiga.

SONNA/News

jubba21 jubba20 jubba19 jubba18 jubba17 jubba16 jubba15 jubba14 jubba13 jubba12 jubba11 jubba10 jubba9 jubba8 jubba7 jubba6jubba5 jubba4 jubba3 jubba2 jubba1