Daawo Sawirro: Wasiiru dowlaha Warfaafinta Soomaaliya oo ka qayb galay shirka wasiirrada warfaafinta jaamacadda carabta

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Bekoos oo ka qayb galaya shir looga hadlayay kaalinta Warfaafinta ka qaadan karto ka hortagga iyo ciribtirka Argagaxisada,ayaa kulan la qaatay Wasiirrada Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska ee Dalka Suudaan Dr. Axmed Bilaal Cusmaan.

Madaxda labada dal ayaa isla qaadaa dhigay xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan ee dhanka warbaahinta,wuxuuna wasiiru dowlaha kaga warbixiyay masuuliyiintii ay kulmeen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya xiligan marayso iyo sida ay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka u shaqayso iyo horumarka wayn ee ay tiigsatay Wasaaradiisu.

Bekoos ayaa u sheegay  Wasiirka inay jiraan baahiyo badan oo ay wasaaradiisu qabto oo ay ka mid tahay tababaro wariyayaasha loo sameeyo, islamarkaana  xoogga la saaro in la helo TV u gaar ah luuqada carabiga,kaas oo baahin doona barnaamijyo iyo Suugaan carabi ah si ay ula jaan qaadaan walaalahooda carbeed.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Becoos ayaa halkaasi kaga qayb galaya shirka wasiirrada warfaafinta ee dowladaha ku bahoobay Jaamacadda Carabta.

Bec1 Bec2 Bec3 Bec5 Bec6 Bec7 Bec8 Bec9