Daawo Sawirro:Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo balanqaad u sameeyay Booliska Soomaaliya.

Bandhiggaan ay Ciidammada Booliisku sameeyaan toddobaad walba u jeedadiisu tahay dhiiragelin, tallo bixin iyo isla-xisaabtanka Ciidanka ee uu sameeyo hoggaanka sare ee Ciidanka ayaa Maaanta lagu qabtaa xarunta tababarrada Booliiska ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Fargeeti oo uu wehliyey Xildhibaan Muuse Suudi (Yalaxoow) ayaana ka mid ahaa daawadeyaasha bandhigga, waxaa sidoo kale joogay bandhigga dhammaan taliyeyaasha hoggaannada iyo qeybaha Booliiska Soomaaliyeed.

Xildhibaan Muuse Suudi oo ka mid ah Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya, ayaa ku ammaanay hoggaanka Ciidanka Booliiska isbaddelka weyn ee uu ku sameeyey dhismaha iyo tayada Ciidanka, waxa uu ku yaboohay hal neef Geel ah oo lagu dhiiragelinayo Ciidanka ku sugan Akadeemiyada Booliiska.

Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo bandhiggaan toddobaad walba ka qeyb-gala, ayaa sheegay in ciidammada Booliiska looga baahan yahay in ay tusaan bulshadooda sida ay ugu diyaarsan yihiin u adeegiddooda, waxa uu sheegay in muhiimadda koobaad ay tahay anshaxa ciidanka iyo sarreysiinta sharciga dalka, Taliye Xaamud, ayaa lacago abaalmarin ah siiyey dhallinyaradii hoggaamineysay Gaadda ka cayaarka iyo macallintooda, waxa uu sidoo kale si gaar ah abaalmarin u guddoonsiiyey qeybta Music-ga ee Kooxda Heegan.

Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa isu diyaarinaya xuska sannad-guurada 73-aad ee Ciidammada ugu faca weyn dalkeenna ee Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo Taariikh dheer ku leh dalka, waxaana muddooyinkan dambe socdey isbaddel dhan walba ah oo lagu tayeynayo ciidanka.bol1bol2bol3bol4bol5bol6