Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.
Ammaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Cali Baashi Xaaji Maxamed ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in howlgalka oo ay wadajir isaga Kaashadeen Ciidamada Sida Gaarka u tababaran ee Danab iyo Ciidamo gaar ah oo loo tababaray Dowlad Gobaleedka Puntland, lagu qabqabtay illaa Shan ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo uu ku jiro horjeegihii Kooxdaasi u qaabilsanaa dhinaca qaraxyada.
Gen Cali Baashi ayaa intaa hadalkiisa ku daray in horjoogaha la qabtay oo lagu magacaabo Siciid Cabdullaahi Abuubakar “Al Suudan”, oo u dhashay Suudaan, iyo Afar kale oo maleeshiyaadka alshabaab ka tirsan islamarkaana hal guri kawada daganaa magaalada Gaalkacyo.