DAAWO XOG CULUS: R/wasaare ku-xigeenka Dalka Cumar Carte iyo Wasiir Maareeye oo qaatay go’aan lama filaan ah, iyagoona Safar ku aaday Magaalada……

hqdefault-1

 

Ra`iisulwasaare kuxigeenka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte (Qaalib) & Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumada Max’ed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa qaatay go’aan lama filaan ah waxaya bilaabeen in ay u safraan Koonfur Galbeed & Galmudug oo ay ka doonayaan in ay ka dhaadhiciyaan qorshahooda ku aadan diidmada qodobadii Madasha Wadatashiga ee Soomaalida.

Safarkii ugu horeeyey oo ay uga gol leeyihiin hirgalinta siyaasadooda gaarka ah ayay ku gaareen magaalada Baydhabo, waxa ayna saacadaha dhaw u soo gudbiyaan magaalada Cadaado oo ay kula kulmayaan, iyadoo wararna sheegayaan in ay Gaalkacyo soo gaaraan.

Warar hoose oo soo gaaray Jubaland24 ayaa xaqiijinaya in Qaalib iyo Maareeye ay qorsheynayaan in ay dood badan galiyaan qorshaha Madasha Wadatashiga, gaar ahaana xubnaha dheeraadka ah ee ay heshay Puntland oo ay ka xun yihiin.

Safarkan oo ah mid siyaasadeed, hadii ay ku guuldareystaan in ay xal kama dambeys ah u helaan waxayna quuldareynayaan labadan masuul iyo kooxaha kae ee kamid ah baarlamaanka Faderaalka in ay qaataan go’aan kale oo ah in ay ka tagaan Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor sii horeysay si cad u karbaashey kooxaha doonaya in ay ka hor yimaadaan go’aamadii Muqdisho ka soo baxay, wuxuuna sheegay in matalaada kooxaha Xaafado Muqdisho ah ku sugan aysan aheyn mid aan sax aheyn.

 

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka 

 

https://youtu.be/WtaPro5LKrM