Dacwada Bada Somaaliya iyo Kenya oo Berito lafilayo inay furanto.

Waxaa maalinta Beri oo isniin ah lagu wadaa in magaalada Hague ee dalka Holand ay ka furanto Dacwada muranka Bada ee udhxeysa dalalka Somaaliya iyo kenya oo in dhawaala ahba soo jiitameysay.
Sida laga soo xigtay Wrbaahinta Dalka Keyna masuuliin ka tirsan dalkaasi ayaa gaaray Magaalada Hague ee dalka Holand si ay uga qeyb galaan Dacwada ee kala dalkeena Somaaliya.

Sidoo kale Qareeno,Suxufiyiin iyo aqoonyahano ku Xeel dheer arimaha bada ayaa magaaladaasi si kor joogayaal uga noqdaan muranka la xariira Bada ee udhaxeya dowladaha Somaaliya iyo Kenya.

Si lamid ah masuuliin ka socota dowlada Somaaliya ayaa u amba baxay magaada hague, Maxkamada ICJ ayaa sheegtay in dacwada ay furmi doonto 19ka bishan oo ku beegan maalinta beri ah iyadoona dacwada socon doonto mudo Afar Maalmood ah.

Dowlada Somaaliya ayaa horay maxkamada caalamiga ICJ waxay ugud bisay dacwad ka dhan dowlada Kenya oo ku soo Xadgudubtay qeybo badan oo ka mid ah bada dalkeena Somaaliya waxayna dowlada Somaaliya ay rajo fcn ka qabtaa in kenya ay kaga guuleysan doonto dacwada bada oo haatan xukminteeda ay sugeyso Maxkamada Caalamiga ah ee Hague