Dad Badan oo Hooy iyo Cuno La’aan ugu geeryooday Degmo Muhiim ah oo ku Taala Dalka.

Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed oo ka hadlay dhibaatada heysata dadka deegaanka  ayaa waxa uu sheegay in muhiim ay tahay dadkan in lala soo gaaro gar gaar Bani’aadannimo.

Sidoo  kale Maxamed Macalin Axmed Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxa uu sheegay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed dhowaan in ay bilaabi doonaan Howlgallo Shabaab looga saarayo wadada xiriirisa Degmooyinka Tiyeeglow iyo Xudur ee Gobolka Bakool.

Sikastaba ha ahaatee Shacabkii dhowaan ka soo barakacay Degmada Tiyeeglow oo ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa xilligan waxaa heysata dhibaatooyin dhanka nolosha ah.