Dad badan oo loo xiray weerar Todobaadkan lagu qaaday Saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya

Iyadoo todobaad hawwn ku hubeysan Tooreeyo ay weerar ku ekeeyeen saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Mombasa ayaa ciidamada booliska howlgalo ay sameeyen waxay gacanta ku soo dhigeen ilaa Afar ruux oo Sxadax kamid ah ay dumar yihiin.

Wararka waxa ay sheegayaan Afarta ruux ee ciidamada Booliska ay soo qabteen saddex ka mid ah inay yihiin Qaxooti Somali ah oo dalkaasi ku sugan waa sida Warbaahinta Kenya ay tabinayso.

Afartaan ruux ayaa laga soo xiray gurigii ay ka soo baxeen Haweenkii weerarka ku qaaday Saldhiga Booliska Magaalada Mombasa, waxaana ku socoto Baaritaano sida Saraakiisha Booliska ay sheegayaan.

Dumarka Ciidanka ay soo qabteen ayaa lagu kala magacaabaa Siciido Cali Xaaji, Naciimo Maxamed Cali iyo Shukri Cali, weli lama shaacin magaca ruuxa Afaraad oo rag ah.

Booliska waxa ay tilmaamayaan in xubnahan Baaritaano dheeri ah lagu sameyn doono si loo kala cadeeyo in ay raad muuqda ku leeyihiin weerarkii Axadii dhacay iyo in aysan wax raad ah ku laheyn.

Sidoo kale magaalada Mombasa waxaa weli Ciidamada booliska ay ka wadaan howlgalo ay ku sii baadi goobayaan dad hor leh oo ka qeyb qaatay weerarkii todobaadkan ka dhacay saldhiga booliska magaaldaasi.ciidamada_ammaanka_kenya_660