Dad loo soo qab qabtay Weerar Bambaanooyin ah oo xalay lagu qaaday Guriga Wasiiru-Dowlada Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya

Warar Dheeraad ah ayaa waxa ay ka Soo baxay Weerar Bambaanooyin ah oo Xalay lagu qaaday Guri uu Dagmada Xamar weyne ka daganyahay Wasiiri Dowlaha wasaarada Gaashaandhiga Soomaliya Maxamed Cali xagaa.

Weerarka ayaa waxa uu dhacay Waqtiga Salaada Cisho ka dib Xiliga Muqdisho waxaana la sheegay in uu ku dhintay Qof Shacab ah halka Afar kale oo Ilaalada Guriga Wasiiru Dowlaha ay dhaawacmeen.

Marka uu Weerarka dhacay Ka dib Ciidanka Ammaanka Dagmada Xamar weyne waxa ay Bilaabeen in ay Howlgal sameeyaan kaasi oo ay ku Baadi goobayaan Ragii ka dambeeyay Weerarka lagu qaaday Guriga Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya.

Taliyaha Saldhiga Degmada Xamar-weyne ayaa sheegay in Weerarkaasi loo qabtay Afar Qof oo looga Shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin,balse ay baaris ku socoto.

Dadkaan ayaa laga qabtay Meel u dhaw Guriga Wasiiru Dowlaha oo Weerarka laguq aaday iyadoona aysan Jirin cid si Rasmi ah u Cadeyn karta dadkii Weerarkaasi ka dambeeyay Balse Taliyiuhu wuxuu sheegay in baaris ay ku wadaan ragaas Afarta ah.