Dagaal beeleed Xoogan oo ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan una dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa waxuu ka qarxay Degaan ku dhow Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxuu bilaawday kadib markii labad maleeshiyo beeleed midkood uu weerar ku qaaday kuwa kale, sida Dadka Degaanka ay u sheegeen Idaacadda Shabelle.

Ugu yaraan 4 Ruux oo ka mid ahaa dhinacyadii halkaasi isku hayay ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Dagaal beeleedkan.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu salka ku hayo dhul daaqsimeed iyo Dagaallo kale oo dhawaan halkaasi ka dhacay.

Ilaa iyo hada majiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Magaalada Baladweyne oo ku aadan xiisada ka soo cusboonaatay galbeedka Magaalada Baladweyne.