Dagaal La isku adeegsanaayo Hubka Culus oo Saakay ka Bilowday Magaalada Galkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada galkacyo ee xarunta Gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayan in Saakay Halkaasi uu dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka oo Saakay Aroortii Bilowday ayaa ilaa hada oo barqa ah socda waxaana la isku adeegsanaya Hubka Nocyadiisa kala Duwan.

Rasaas culus iyo daryanka Madaafiicda ayaa laga maqlaya Goobaha u dhaw dha Halka Dagaalka uu ka socdo.

Ilaa hada lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay ka qarxay magaalada Galkacyo.

Maamulada Galmudug iyo Puntland Mudo Bil ku dhaw ayey ku hardamayaan Magaalada Galkacyo iyadoona dhowr jeer oo hore ay Fashilmeen Wada hadalo Nabadeed oo ay wadeen Odayaasha Labada Dhinac.