Dagaal Xalay Muqdisho Ku Dhexmaray Ciidan Ka Tirsan Dowladda Iyo Kuwo Imaaraadka Ka amar Qaata———

Iska hor imaad Hubeysan ayaa Xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,waxaana iska hor imaadku uu dhexmaray Ciidamo ka mida Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Ciidan ay Tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta.
Isku dhaca ayaa yimid ka dib markii Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda ay Hubka dhigis ku sameeyeen Ciidamada uu imaaraadku Tababaro oo Xilligaaku sugnaa Degmada Hodan.
Howl galkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay qaadaan Ciidamada NISA,  kaddib markii uu xilka la wareegay Taliyaha cusub ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe oo horay looga bartay inuu qaado howl galada noocaan oo kale.
Taliyaha NISA ayaa shalay ku hanjabay inuu qaadayo howl gallo amniga la xiriira oo ka dhan ah dadka hubeysan ee Muqdisho ku sugan.