Dagaal Xoogan ka dhacay Deegaanka hoostaga Degmada Xarardheere.

Wararka Naga Soo Gaaraya  deegaanka uumaay oo u Dhow Xarardheere ayaa sheegay in ciidanka ka Tirsan Galmudug halkaasi gaareen,Ciidanka Galmudug ayaa dagaal xoogan la Galay Al Shabaab inkastoo weli aan la ogaan qasaaraha ka dhashay.

Dagaalkaan oo dhacay habeenkii xalay ayaa lagu soo waramayaa in leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana dhici karta in uu dib u qarxo madama Al shabaab ay mudo dhoor sano ay gacanta ku hayaan Xarardheer iyo deegaano kale.

Xaalada ayaa saaka lagu soo waramayaa in ay dagan tahay waxaana weli lasoo sheegayaa in dadku ay cabsi qabaan dagaalo markale dhaca.