Dagaal Xoogan Oo Wali Sitoos ah Tiyeeglow Uga socdo.

Wararka Aanu Kaheeno Degmada Tiyeeglow Maalintii Saddexaad oo Xariir ah Dagaal Xoogan ka soconayaa Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Magaalada Tiyeeglow ayaa hadda ah mid aan Qolana Gacanta ugu jirin,iyadoo Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ay Banaanka ka Joogaan sida Maamulka Degmada Tiyeeglow uu Xaqiijiyay.

Dagaalkii ugu Cuslaa ayaa Xalay Xilli dambe ka dhacay,waxaana Labada Dhinac ay isku adeegsadeen Hubka Nuucyadiisa kala duwan Waxaana Lamaqlaayay Qaraxyo Xoogan.

Dhanka kale Duleedka Koofureed ee Degmada ayaa laga Maqlayaa Dagaal Goos Goos ah oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Al Shabaab.

Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.waxaa ay 90 KM u jirtaa Degmada Xudur oo ah Magaalo

Madaxda Gobolka Bakool.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo ku Al Shabaab midna kama hadlin dagaalka maalinkii 3xaad kasoconaayo Khasaaraha uu Sababay.