Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Alshabaab oo la wareegay deegaan hoos yimaada gobalka Sh/Hoose.

Wararka aan ka heleyno deegaanka Muuri ee ka tirsan gobalka SH/hoose ayaa ku waramaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay la wareegeen deegaankaasi ka dib markii dagaal adag ay deegaankaas kula galeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku lahaayeen Deegaanka Muuri, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.
Al-shabaab war ay ku soo qoreen Baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in Deegaanka Muuri ay Dagaal kula wareegeen, inkastoo saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Shabeelaha Hoose aysan weli arintaasi kama aysan hadal.
Waxaa hada wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in deegaanka muuri oo qiyaastii 13 km dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada ay Afgooye ay gacan ku hayaan Alshabaab.