Dagmada Garbahaarey oo Qarax uu ka dhacay iyo qasaaro kala duwan oo ka dhashay

Wararka aynu hada ka Heleyno Dagmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayan in Qarax xoogan uu ka dhacay Gudaha magaalada.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay Maqaaxi ku taala Dagamda Garbahaarey iyadoona lasoo sheegaayo in qasaaro kala duwan uu ka dhashay Qaraxa.

Wararla qaar ayaa sheegaya in Isgaarsiintii magaalada Hawada laga Saaraya Ciidanka Ammaankana ay wadaan Howlgalo Baaritaan ah.

Lama Oga Qasaaraha ka dhashay qaraxan Balse waxaa la sheegay in dhimasho iyo dhaawac ay jiraan.

Qarax kan oo kale ayaa Maanta muqdisho ka dhacay iyadoona lala beegsaday Maqaaxi lagu magacaabo Sky Blue oo ku taala Dagmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

lasoco  wixii ku soo Kordhaa Insha allah