Dalka Ciraaq Oo laga helay Xabaal-Wadareed

xabaalo

Milateriga Ciraaq ayaa sheegay inay heleen boqollaal meyd oo madaxa laga jaray oo ku jiray xabaal-wadareed ku

taalla magaalo ay ciidanku ka qabsadeen maalmo ka hor mintidiinta dawladda islaamiga.

Xabaasha ayaa laga helay Hamam al-Alil oo koofurta kaga beegan Mosul. Milaterigu waxay sheegeen in taasi ay

caddaynayso dambiyada arxan la’aanta ah ee ay gashay kooxda IS.

Weli baaritaan dhamaystiran laguma samayn meydadka.