Daniel Sturridge Oo Ka Tagaya Kooxda Liverpool————-

Daniel Sturridge ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda Liverpool marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha bisha Janaayo, kaddib markii uu ka carooday inaan la siinin waqti ku filan oo uu ku ciyaaro, sida ay warinayso jariiradda Daily Mirror.

Weeraryahanka xulka England ayaan dhammaysanin 90’daqiiqo kulan ka tirsan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, iyadoo wararku ay sheegayaan in tababare Jurgen Klopp uusan doonaynin xiddigan, taasoo keentay in kooxo dhowr ah ay sheedda kala socdaan xaaladda xiddigan.

Kooxaha West Ham iyo Stoke City ayaa labaduba xiisaynaya saxiixa Sturridge, waxaana dirirta ugu badan ee doonista ciyaaryahankan ay dhici doontaa bilowda sanadka cusub ee 2017, marka albaabada loo furo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.