Danjiraha QM Soomaaliya Micheal Keating ayaa gaaray magaalada Cadaado

downloadDanjiraha QM Soomaaliya Micheal Keating ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Galmudug, halkaasi oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka hoose ee baarlamaanka cusub.
Danjire Micheal Keating ayaa la filayaa in uu halkaa kulamo kula yeesho masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo xubnaha gudiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, isaga oo kala hadli doona halka ay mareyso doorashada.

Siddoo kale danjiraha ayaa mudada uu halkaa ku sugan yahay waxaa la filayaa in uu  u guurgalo cabashada la xiriirta musuq-maasuqa iyo wax is daba marinta la xiriirta doorashada, iyadoo magaalada Cadaado la sheegayo in si xun loo maamulay doorashada.

Ugu danbeyntii, danjiraha ayaa siddan oo kale horay u booqday magaalooyinka Jowhar iyo Kismaayo, deegaannada kale oo ay ka socdaan doorashooyinka aqalka hoose.