DEG DEG: Amiirka Alshabaab iyo Afhayeenka Shabaab Abuu Muscab oo la sheegay in Duqeyn lagu dilay

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Mareykanka ayaa dilay 30-dagaalamayaal ka tirsan Xarakada Al-shabab waxaana kujira hogamiye sare laba howlgal oo kala duwan kana dhacay Koonfurta Soomaliya afartii maalmod ee ugu dambeesay.

Wakaalada Wararka Shiinaha Xinhua oo soo xiganeysay ilo wareedyo ku dhow dhow Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howl galada ay dhaceen 10-kii bishan iyo 13 bishan, kaasoo lagu bartilmaameedsaday saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Saakow ee Gobolka Jubadda Dhexe.

“Ciidamada Mareykanka oo taageeraya Kumaadooska Soomaaliya, waxay weerar ku qaadeen Saakow, oo ay ku dileen 30 dagaalame, howl gal gaar ahaa oo dhacay intii u dhaxeysay 10-13 Agosto, xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay”sidaas waxaa Wakaalada wararka ee Xinhua khadka taleefanka ugu sheegay Sarkaal ka gaabsaday magaciisa.

Sarkaal dhinaca amaanka u hadlay ayaa sheegay in loo maleenayo howlgalka in lagu dilay hogaamiyaha Xarakada Al-shabab Abu Cubeyda,sarkaalka ayaa tilmaamaya in sidoo kale ay jiri karaan in howlgalka lagu qabtay Hogaamiyaha,waxaa lagu dilay howlgalka 3-ku xigeenadiisa waxana kamid ah afhayeenka Al-shabab Abu Muscab iyo qof magacisa lagu soo gaabiyay Abu Cumar.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya, inkastoo uu jiro tuhunka ah in howl gal ka dhacay Saakow, hadana ma cada cida la bartilmaameedsaday.

Warar soo baxayay maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in isgaarsiinta deegaano ka tirsan Jubbada Dhexe ay hawada ka maqan tahay.