DEG DEG: Bangiga dhexe ee Soomaliya oo Laga Xaday Lacago gaaraya ilaa $ 530,000. oo Dollarka Mareykanka

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa sheegay in Bankiga laga xaday lacag dhan Shan boqol iyo Soddon Kun oo Doollarka Maraykanka ah, $ 530,000.

Guddoomiyaha Ayaa intaa ku daray inay haatan socdaan baaritaanno lagu ogaanayo cidda la baxday lacagahaasi, sharcigana lala tiigsan doono ciddii lagu helo ku lug lahaanshaha arrintaasi.

Madaxda sare ee dalka Soomaaliya ayaa dhawaan masuuliyiinta Qaranka waxay kaga digeen in xilligan kala guurka ah lagu takri falo hantida qaranka iyo awoodaha dowlad nimo si qaldanna aan loo isticmaalin.