DEG DEG: Cali Guudlaawe oo loo doortay Xilka Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabeele

Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe)  ayaa ku guulaystay Doorashada Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle, ka dib markii uu helay codadka ugu badan.

Musharaxaan ayaa ku guuleestay codad Gaarayay 86-cod waxaana sidoo kale Musharaxa la tartamayay ee Cali Xasan Taakow uu asna helay codad gaarayay 10-cod.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Madaxweyne ku xireenka Hirshabeelle loo doortay Cali Guudlaawe.

Sidoo kale Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa loo doortay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle kaas oo ka guuleestay Musharaxii la tartamayay ee Maxamed Cabdi Waare.