DEG DEG: Ciidanka Dowlada oo garabsanaya Kuwa Amisom iyo Alshabaab oo hada dagaal uu ku dhexmraayo qeybo ka mid ah Gedo

Wararka aynu ka heleyno Gobolka gedo ayaa waxa ay sheegayan in Dagaal Culus oo u dhaxeeyo Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xarakada Alshabaab uu saakay ila aiyo hada uu ka socdo Degaanka Suriyo oo hoostaga Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa Bilwoday saakay Aroortii waxaana uu qaatay Mudo Saacado badan ah ilaa iyo hadana waxaa la sheegaya in uu dagaalku socdo oo Rasaas Xoogan la Maqlaayo.

Dadka Deegaanka Suriyo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Saakay ay ku soo tooseen Rasaas xoogan oo mar qura is qabsatay kadibna ay xigeen jug culus oo madaafiic ah taasi oo ay isku adeegsanayan labada dhinac.

Maamulka Dagmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo weli kama aysna hadlin Dagaalkaan saakay ilaa iyo hada ka socda deegaanka Suriyo ee hoos taga dagmada Buurdhuubo.

Tiro dhaawacyo ah ayaa la geeyay Degmada Buurdhuubo oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Alshabaab dhankeeda weli wax war ah kama aysan soo saarin dagaalka ka socda Gobolka Gedo.