DEG DEG: Ciidanka Dowlada oo kaashanaya Ciidan Ajnabi ah oo Weerar Culus ku qaaday Deegaano ka tirsan G.Shabeelada Hoose

War deg deg ah oo Goordhaw Na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaal cir iyo dhul ah oo ka socdo gobalka Shabeelaha hoose waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

Dagaalka oo cirka iyo dhulka ah ayaa waxa uu udhaxeeyaa Ciidanka Dawlada oo ay la socdaan Ajaanib Diyaarado wata iyo kooxda Al Shabaab.

Waxa uu ka socdaa dagaalka deegaanka Farsooleey oo duleedka Qoryooleey ah iyadoo la isku adeegsanayo hubka fudud iyo midka culus.

Goordhaw Naga Filo Warar Dheeraad ah