DEG DEG: Ciidanka Jubbaland oo Xabsiga Dhigay Wariye Caan Ah…

Ciidanka Nabad Sugidda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku Xiray Wariye Jeylaani Xuseen Yuusuf oo Xiliyo kala duwan la shaqeeyay  Radio Kulmiye.
Wariye Jeylaani ayaa la sheegay in laga Xiray Hotelka Kismaayo Xilli uu uga qeyb galayay Tababar Wariyaasha Kismaayo loo furay.
Inkastoo aan la ogeyn Sababta ka dambeysa Xariga Wariye Jeylaani ayaa haddana aysan jirin Wax War ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Jubbaland.