DEG DEG: Ciidanka NISA oo Xabsiga Dhigay Askar ka Tirsan Amisom oo Shidaal Iibinaayay

Warar Hordhac ah ayaa waxa ay ka soo Baxayaan Ciidamada NISA oo Maanta Muqdisho ku xiray Laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Amisom iyadoona Ciidanka Amisom ay wateen Gaari Shidaal ah oo suuq Madoow ay ku Iibsanayeen .

Ciidanka NISA ayaa Labadii Askari ee lagu qabtay Shidaalka ay iibinayen iyo Gaarigii Shidaalka u saarnaa waxaa Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ay ku xireen Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.

Saraakiisha NISA ayaa Warbaahinta u sheegay in Goordhaw la soo Bandhigi doono Askarta Amisom ee Shidaalka si Xatooyada ah u Iibsanaayay.

Ciidanka Amisom ayaa Dhowr Jeer oo hore waxa ay ugu Kaceen Falal noocaan oo kala ah taasi oo sumcada uga dheeleysa Howlgalka Nabad Ilaalinta Amisom .

Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Amisom waxa ay qaataan Mushaara aad u badan oo Kumanaan ah waxaana ay aad uga mushaar badanyihiin Ciidanka Qaranka Soomaliyed Balse sidaasi oo ay tahay hadana Markasto waxa ay iibsadaan saanada ciidanka loogu tala galay.