DEG DEG: Ciidankii Maalmahan isku Horfadhiyay Galbeedka Galkacyo oo lagu guuleystay in la kala qaado

Wararka aynu ka heleyno Duleedka Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayan in Gabal dhicii Galabta lagu guuleystay in la kala qaado Ciidamo Maalmihii la soo dhaafay isku horfahdiyay halkaasi.

Kala qaadista labada Ciidan ee Galmudug iyo Puntland ka tirsan ayaa timid ka gadaal Markii Maanta heshiis ay magaalada Galkacyo ku wada gaareen Odayaal ka soo jeeda Labada maamul.

Heshiiska Ayaa la Gaaray Durhurnimadii Maanta waxana Galabta lagu Guuleestay in Ciidanka Lakala Qaado Sida Ay sheegeen odayaasha Labada Dhinac,

Odayaasha Ayaa Sheegay in Ay Magacaabayaan Gudi Labada Dhinac ah oo Dhawaan la Magacaabayo kuwaasi oo Qiimeeye Dhulka leesku Heesto iyo Cida Markaasi iska leh,

Xiisad aya Maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd duleedka Galkacyo balse dadaal dheer ka dib maanta ayaa lagu guuleystay in Xiisadaasi la qaboojiyo oo labada ciidan la kala qaado.

La soco wixii kusoo kordhaa