DEG DEG: Daawo Muuqaal laga Duubay Qaraxii Maanta lagu weeraray Hotelka SYL ee Muqdisho

Faah Faahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxeysaa qarax Xoogan oo laga maqlay guud ahaan xaafada ku dhaw dhaw madaxtooyada muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxaana wararku ay sheegayan in gaariga lagu dhuftay Afaafka horee Madaxtooyada Villa Soomaliya .

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gaarigan oo noociisa weli aanan la ogaanin, balse aad u miineysnaa lagu dhuftay Koontaroolka Koowaad ee laga galo Madaxtooyada Somaliya, halkaasi oo ah meel wadada laamiga dhinaceeda saaran.

Hadii aan Xooga sharaxaad kooban ka bixino Qaraxa ayaa lagu dhuftay Iridka Hore ee Madaxtooyada kaasi oo ka soo horjeeda Hotelka lagu Magacaabo Siyaad oo ka soo horjeeda madaxtooyada waxaana la sheegay in Hotelka uu soo gaaray Bur Bur xoogan .

Lama oga qasaaraha ka dhashay Qaraxa .

Qaraxa xoogiisa waxaa si weyn looga maqlay xaafadaha ku dhaw madaxtooyada iyadoona ay jiraan guryo bur bur uusoo gaaray xooga qaraxa uu lahaa darteed.

Ma jirto Xog Intaasi ka badan oo qaraxa laga helay.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaal laga duubay Qaraxa markuu dhacay