DEG DEG: Daawo Sawirradii Ugu Horeeyay ee laga Soo qaaday Xarunta Dowlada Hoose ee Galkacyo oo Saakay ay Qaraxyo ka dhaceen

Wararkii Ugu dambeeyay ee aynu ka hlnay Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayan in Qasaaro isugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac uu ka dhashay Laba Qarax oo xoogan oo saakay ka dhacay Magaalada Galkacyo.

Goobta Qaraxyada ay ka dhacen oo ay ka Muuqatay Bur bur xoogan ayaa waxaa halkaasi gaaray qaar ka mid ah Saxafiyiinta ka Howlgala Galkacyo.

Xarunta Dowladda hoose ee Gaalkacyo oo qaraxa labaad lala beegsaday ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ka furmi rabay Shirka Golaha deegaanka Dowladda hoose.

Warsidaha Jubaland24 ayaa waxaa u suurta gashay in ay hesho Sawirro Hordhac ah oo laga soo qaaday Xarunta Dowlada Hoose ee Galkacyo oo Bur bur Xoogan uu soo gaaray.

Masuuliyiinta dawladda ee gobalka Mudug ayaa hadda leh shir deg deg ah oo ay uga hadlayaan xaaladda magaalada Gaalkacyo, waxaana lafilayaa in ay ka soo baxaan go’aamo xasaasi ah oo xaaladda magaalada Gaalkacyo quseeysa.

Goobaha Caafimaadka ayaa la geeyay dhaawacyo badan oo ilaa 20 kor usii dhaafayo inkasto aan la xaqiijin tirada Rasmiga ee ku dhimatay Qaraxyada.

Masuuliyiinta Caafimaadka Cisbitaalka Galkacyo ayaa Jubaland24 u xaqiijiyay in ay lasoo gaarsiiyay dhaawacyo Halis ah .

Ma Cadda inta uu la eeg yahay Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyada, balse dad badan oo ayaa la arkay meydadkooda.

Dadka ugu badan ee waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi ayaa la sheegayaa inay yihiin haween ka dukaameysanaayay Suuqa Xero Dayax oo ah Suuqa ugu weyn Waqooyiga Gaalkacyo.

La Soco Faah Faahin Dhameystiran Insha allah

1-6-768x432 2-6-768x432 3-6-768x432 4-6-768x432 5-4-768x432 6-2-768x432