DEG DEG: Ciidanka Ammaanka oo Dhaawac ku qabtay Ninkii Isku qarxiyay Iridka Hore ee Maqaayada Banaadir Beech+Sawirro

al

Ciidamada Ammaanka ayaa nolosha ku qabtay mid kamid ah Maleeshiyaadkii Caawa Weerarka ku qaaday Maqaayadda Banaadir Beach, oo ku taalla Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Nabadsugidda Gobalka Banaadir Cabdi Fareey oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNa, ayaa Sheegay in Ciidamada Ammaanka ay qabteen ninkii Kaxeynayay Gaariga Qaraxyada laga soo buuxiyay ee lagu weeraray Maqaayadda Banaadir Beech, kaas oo laga dhex qabtay isagoo dhaawac ah burburka Gaariga ku Qarxay Albaabka hore ee Maqaayadda.

“Dhaawac ayaan ku qabanay hadda Cisbitaalka ayaan ku heynaa, waa ninkii gaariga qarxay waday, waan daweyneynaa Su,aalana waan weydiineynaa”

Taliyaha Ayaa hadalkiisa ku daray in wali howlgalku socdo, isla markaana wali aan lakala Caddeyn karin qasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo iskugu jiray Qaraxyo iyo rasaas isla socday.

Ciidamada ayaa Maqaayadda ka soo badbaadiyay ku dhawaad 20 qof oo dad shacab ah, waxaana goobta howlgal ka wada Ciidanka Sida Gaarka ah u tababaran ee Gaashaan.

  • Xigasho sonna.
    al3