Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa SONNA u sheegay in Taliska NISA uu gacanta ku dhigtay gaari noociisu yahay gaarib kaa soo lagu soo xiray Qarax, islamarkaana la soo dhigay Iskuulka Xaawo Taako ee Dagmada Xamarwyne Hortiisa Una dhaw Saldhiga Afar-irdood .
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleesteen fur-furidda Qarixii laga soo buuxiyay gaarigaas ,Kaa soo kooxda Argagixisadu ugu talagashay in ay wax yeelo ku gaarsiiyaan shacabka soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan .
Ciidamadda Amaanka qaranka soomaaliyeed ayaa Har iyo Habeen waxay dadaal ugu jiraan ka hortaga weerarada kooxaha caadeestay daadinta dhiiga Umadda Soomaaliyeed