DEG DEG: Daawo Shiikh Shariif oo Goordhaw Muqdisho soo gaaray iyo Dadweyne Badan oo soo dhaweeyay

Waxaa Goordhaw Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ka soo dagay madaxweynihii Hore ee Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh axmad iyo wafdi uu Hogaaminaayo.

Sheekh Shariif ayaa diyaarad qaas ah ka keentay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana soo dhoweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin, odayaal dhaqameedyo iyo Haween.

Sheekh Shariif ayaa waxaa ammaankiisa sugi doona Ciidamada AMISOM iyo ciidamo gaar ah, waxaana uu noqonayaa musharaxii u horeeyay ee ay ilaaliyaan ciidanka AMISOM.

Mudo Afar Sano kadib ayuu Shariif kusoo laabtay Gudaha Dalka

Waxaa la filaaya in Shiikh Shariif uu Ol olahiisa Doorashada Uga Dhawaaqo Magaalada Muqdisho.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka iyo Sawirrada soo Dhaweynta

 

https://youtu.be/lJ5FVgbnaKg

 

diyaar-garow diyaar-garow4 shariif1 shariif2 shariif-111 shariif-1111 shariif-11112 shariif-gar soo-dhoweyn1 soo-dhoweyn111 soo-dhoweyn222 soo-dhoweynos