DEG DEG: Dab ka kacay dalka Faransiiska oo dilay ku dhawaad 13 Ruux+Sawirro

Dab ka kacay xaflad dhalasho oo ka dhacaysay baar ku yaala magaala Rouen ee dalka Faransiiska ayaa dishay 13 ruux waxaana ku dhaawacmay 6 kale.

Shamacyadii loo shidayay dhalashada ayaa dadba ka bilaabay baarka Cuba Libre, wakhti ku dhaw saqdii dhexe ee Sabtida.

Qolka hoose ee dhismaha oo xafladdu ka socotay ayuu dabku ka kacay sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP.

Wasiirka arrimaha gudaha Bernard Cazeneuve ayaa sheegay in loo yeeray konton qof oo dab damis ah.

Baaritaan ayaa hadda socda sida uu sheegay.

Argagixiso in ay ku lug leedahay ayaa meesha laga saaray.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay da’doodu waxay u dhaxaysaa 18 ilaa 25 sida ay ku warantay barta wararka ee Paris-Normandie.

Raisal wasaare Manuel Valls ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in uu aad ooga xun yahay masiibada dhacday ee galaafatay 13 dhalllinyarada ah uuna tacsi iyo taageeraba la garab taagan yahay qoysaska ay masiibadu soo gaartay.

Xukuumadda ayaa dab damiska ku amaantay sida ay durba u ga hawl galeen goobta uu dabku ka dhacay.

Faransiiska waxaa 14 kii July ka dhacay weerarkii baabuurka loo adeegsaday ee magaalada Nice oo ay ku dhinteen 85 ruux, iyo kii ka dambeeyay ee baadariga lagu dilay kiniisada magaalada Rouen 26 July, kuwaas oo ay sheegteen dadka jihaad doonka ah.

_90693571_francerouen4640816

_90694416_93e43a81-5a7f-4781-bb69-155b85b754a9

_90694814_mediaitem90694417

_90694816_8a357096-3027-4fd4-985e-ad407fbb662a