DEG DEG: Dagaal Culus oo Hada ka socda Duleedka Dagmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo

Wararka aynu hada ka Heleyno Magaalada Beled-Xaawo ayaa waxa ay sheegayan in Goordhaw Halkaasi uu ka qarxay Dagaal Culus oo la sheegay in uu u dhaxeeyo Maleeshiyo Dagmada ku sugan iyo Ciidan uu Eato Wasiirka Amniga Jubbaland.

Dagaalka ayaa Sababay Dhimasho iyo Dhaawac,waxaana innta la og yahay ku dhintay illaa Saddex Ruux,halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 12 kale.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Gudaha Magaalada laga saaray maleeshiyada Rabshada Waday iyadoona hada dagaalka uu xoogiisa ka socdo Duleedka Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa waxa uu imaanaya xili Maamulka Jubbaland uu waday qorsho maamulo loogu dhisaayo dagmooyinka Jubbooyinka iyo Gedo iyadoona warar hoose ay sheegayan in Dagaalka uu salka ku haayo Muran la xiriira maamul loo Sameynaayo Dagmada Beled-Xaawo.

La soco wixii ku soo Kordhaa Insha Allah