DEG DEG: Dagaal u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland oo ka qarxay Duleedka Bari ee Magaalda Galkacyo

Dagaal Culus oo u dhexeeya Maleeshiyaad kala Taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Saaka ka Qarxay Duleedka Bari ee Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalkaan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac waxaana ku geeriyooday ilaa iyo 14, Ruux halka ay ku dhaawacmeen 10 Qof oo kale.

Labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaanan wali ka hadlin dagaalkaan, hayeeshee waxaa socda dadaalo nabadeed oo lagu doonayo in arintaan lagu qaboojiyo.

Maleeshiyaadka ku kala abtirsada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Dhowr jeer ku dagaalamay Miyiga Gobolka Mudug.