DEG DEG: Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo Beeeleed oo Hada ka socda Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag

Sida ay sheegayan Wararka aynu ka heleyno Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag Dagaal u dhaxeeya laba maleehsiyo beeleed oo hada ka soconaaya dagmadaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay in saakay uu qarxay waxaana uu sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay Saddex Qof ayaa Dagaalka ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan10 Ruux oo u badan Maleeshiyaadka Dagaalamay.

Maamulka Gobolka Sanaag ayaa ka hadlay Dagaalka ka soo Cusboonaaday Dagmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaad waxaana Guddoomiyaha Gobolka Sanaag uu baaq u diray maamulka soomalialnd si ay u joojiso dagaal beeleedka hada soo cusboonaaday.

La soco wixii ku soo kordhaa insha allah