DEG DEG: Dhageyso: Injineer Cameey” ”Galmudug iyo Soomaaliland ma qabtaan Alshabaab laakiin anagaa qabanaynee hanoosoo sheegaan xogtooda”

Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiim Xaaji Cameey oo Maanta Booqasho ku tagay Galkacyo ayaa soo Kormeeray Xarunta Dowlada Hoose ee Galkacyo iyo Suuqa Dayax oo shalay ay ka dhaceen weeraro Qaraxyo mataano ah.

Eng Cameey waxaa uu sheegay in Shacabka reer Galkacyood ay la wadaagayan Xanuunka soo gaaray isagoona balan qaaday in dhaawacyada halista ah dalka dibaddiisa loo qaadi doono.

Cameey ayaa u Mahad Celiyay Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada qaarkood oo dhambaal tacsi ah usoo diray shacabka iyo dowlada Puntland.

Dhinaca Kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa Weerar dhanka afka ah waxa uu ku qaaday Maamulada Galmudug iyo soomaliland isagoona ku eedeyay in aysna qaban dagaalyahanada alshabaab.

”Galmudug iyo Soomaaliland ma qabtaan Alshabaab laakiin anagaa qabanaynee hanoosoo sheegaan xogtooda”Ayuu Yiri Camay.

Hadalkaan ayaa u Muuqda mid Puntland ay ku Caro gelineyso Maamulada Galmudug iyo Soomaliland maadama ay ku eedeysay in aysanba qaban Alshabaab xetaa hadii ay arkaan.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Cameey