DEG DEG: Dhageyso Madaxweyne Guulled oo galkacyo ku laabtay si cadna uga Horyimid qaar ka mid ah Qodobada laga soo saaray Shirka Madasha Qaran

Madaxweynaha Maamulka Galmudug,C/Kariin Xuseen Guuleed oo maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah Qodobadii laga soo saaray Shirka Madasha Wadatashiga Qaranee 7 Cisho ka socday Muqdisho.

Cabdi kariin Ayaa Arimo Badan ka Hadlay Sida Ciidanka Gaalkayco ku Sugan isagoo sheegay in Wixii Argagaxisada looga Soo Horjeeda Ay Taageersanyihiin lakin Marna Galmudug Aan laga Fulin karin Hawlgal aan la Ogeen,

C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa diiday in Maamulka Puntland loogu daro labo xubnood Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya,kaas oo ay ka soo galayaan dadka Sool,Sanaad iyo Buuhoodle.

Waxaa uu qodobkaasi ku tilmaamay in uu yahay Sadbursi Puntland loo sameeyay,waxaaan uu intaa ku daray in iyaga aysana qbali doonin.

Cabdi kariin Ayaa Sheegay in Galmudug Ahaan Arinkaasi kasoo Horjeedaan isla markana Marna Raali ka Ahen Waxa uu ku Tilmaamay Sadbur ay Wadaan Dad Gooni ah Taasi oo Hormar Lagu Gaari karin