DEG DEG: Dibadbax Goor dhaw ka bilowday Muqdisho

Dibadebax xoogan oo laga soo horjeedo xukunkii ay dowladda India ku riday dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka socda Taalada daljir dahsoon ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigaya qeybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Muqdisho,waxaana looga soo horjeeda
xukunka xaqdarada ah ee ay dowladda India ay ku riday 50 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay ku eedeeysay in ay yihiin burcadbadeed.

Banaanbax midkaan la mid ah ayaa horay uga dhacay magaalooyinka Hobyo sidoo kale magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxii ku soo kordha kala soco Shaaciye24.com