DEG DEG: Faah Faahin dheeraad ah oo laga helaayo Dagaal Galabta ka qarxay Duleedka Magaalada Galkacyo

Wararka ka Imaanaya Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in Goordhaw uu Halkaais ka qarxay Dagaal u dhaxeeya Laba Maleeshiyo oo ka soo jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilowday Tuulada Ceel Lahelay ee u dhaw deegaanka Bali-Busle ee duleedka magaalada Gaalkacyo waxaana lagu soo waramayan in qasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad Xoolo dhaqato ah.

Goob joogayaal ayaa Shaaciye24 u Xaqiijiyay Dhimashada 1 Ruux iyo Dhaawaca Seddex kale iyadoona dhinacyadii dagaalamay sidoo kale qasaaro ay soo kala gaareen .

Xiisad Colaada ayaa Maalmahanba waxa ay ka jirtay Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug gaar ahaan Tuulada Ceel lahelay oo u dhaw Deegaanka Bali-Busle ee Duleedka Magaalada Galkacyo.

Iska horimaadkan ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Caano-Surale oo u dhaw deegaanka Ceel-Lahelay, iyadoo ay adag tahay in la ogaado xaqiiqada rasmiga ah Isgaarsiinta aagaas oo xun awgeed.