DEG DEG: Fanaan ka tirsanaa Kooxda Onkod oo Caawa Muqdisho lagu dilay

Kooxo Hubeysan ayaa Salaadii Maqrib ee Caawa ku dilay Masjid ku yaala Degmada Waabari Ee Gobolka Banaadir  Fanaanka Cabdi Maxamed (Safaari) oo ka tirsan Kooxda Onkod.

Fanaanka la dilay ayaa ka tirsanaay Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyed waxaana Dilkiisa warbaahinta u xaqiijiyay  Taliyaha Kooxda Onkod  Abwaan Maxamed Maxamuud Shido.

Magaalada Muqdisho Maanta ilaa iyo Caawa aad beey u xumeyd dhanka Amniga waxaana Maanta Qarax lagu dilay Allaha ha U Naxariistee General Goobaale oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyed Sidoo kale Kooxo hubeysan ayaa Cawada Dagmada Hodan ku dishay Sargaal ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka oo lagu Magacabi jiray Col C/llahi Sabriye Cabdulle.