DEG DEG: Galmudug Oo Sheegtay In Colaaddii Gaalkacyo Laga Gaaray Heshiis Hor-dhac ah

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug oo Nuqul Kamid ah lasoo gaarsiiyay Shaaciye24 ayaa waxaa lagu Faah faahiyay Kulan Magaalada Dubai ku dhexmaray Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland iyo Heshiis hordhac ah oo Labada Masuul ay isla gaareen.

Qodobada Lagu Heshiiyay Waxaa ka mid ah in si dag dag ah Xabadda Loo joojiyo, iyo in kulan dag dag oo lagu soo af-jarayo colaadda Gaalkayo ay 20-ka Bishaan isugu yimaadaan Magaalada Kismaayo.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in kulanka Labada Madaxweyne ay sidoo kale Goob-joog ahaayeen Madaxweyneyaasha Dowlad Gobaleedyada Xubnaha ka ah dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee Jubbaland, Koofur Galbeed, iyo Hir-Shabeelle.

Lifaaqa Hoose Ka Daalaco Qodobada lagu heshiiyay Ee ku Xusan War-Murtiyeedka.