DEG DEG: Golaha Wasiirada Galmudug oo Hada Kulan Xasaasi ah ku leh Xarunta Madaxtooyada Cadaado

Wararka aynu hada ka heleyno Magaalada Cadaado oo xarun KMG u a Galmudug inhada uu ka socdo Kulan Deg deg ah oo ay isugu yinaadeen Golaha Wasiirada Galmudug waxaana Kulankaasi uu hada ka socdaa Xarunta Madaxtooyada Cadaado.

Kulankaan Deg dega ah ayaa waxaa shir gudoominaayo Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug ahna ku simaha Madaxweynaha Galmudug Maxamad Xaashi Carabey.

Warar aan la hubin ayaa waxa ay ka soo baxayan waxyaabaha Kulankaan deg dega ah looga hadlaayo Inkastoo la sheegayo in Kulankaan diirada lagu saaraayo Ammaanka Guud ee Deegaanada Galmudug Maadama Maalin un ka hor Magaalada Galkacyo qeybta Puntland ay maamusho ka dhacay Qaraxyo Xoogan .

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Kulankaan looga arinsanaayo Bixinta Deeq Raashin ah oo Turkiga uu ugu tala galay Maamulka Galmudug waxaana Golaha Wasiirada ay ka Arinsanayan sidii shacabka ay Gar gaarkaasi si Cadaalad ah u heli lahaayeen.

La soco wixii ku soo kordhaa Kulanakan hada ka socda Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado.